Maxamed Abuukar Tuuryare oo lagu dilay Muqdisho

1599

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay wiil dhalinyaro ah ku dilay agagaarka Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho xili la sheegay in wiilkaasi sagootinayay xubno ehelkiisa ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in wiilka la dilay oo lagu magacaabayay Maxamed Abuukar Tuuryare, iyo askariga dilay ay murmeen kahor inta uusan dhicin falka dilka ah, lamana oga wali waxa ay isku qabteen.

Askariga dilka geestay ayaa la sheegay in si deg deg ah uga baxsaday isgooska Siinay uu dilku ka dhacay, waxaana goobta dilku ka dhacay meydka wiilka la dilay ka qaaday ciidamo katirsan booliiska .

Meydka ninka dhalinyarada ah ee ku baxay gacanta ciidanka dowlada ayaa loo qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da si baaritaano loogu sameeyo, waxaa sidoo kale ciidanka booliiska wadaan howlgalo lagu baadi goobayo askariga gacan ku dhiiglaha ah.

Ciidamada dowlada ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar dilal bareer ah u geesta dadka shacabka ah, waxaana inta badan ciidamada dadka ay dilaan u badan yihiin dhalinyaro ku shaqeesata mooto bajaajta.