Maxamed Bin Salman oo loodiiday inu booqdo France

2567

Faransiiska ayaa dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku bah-dilay qasri uu ka baxsaday boqolaal milyan oo dollar oo ku yaalla magaalada Paris.

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa diiday codsi uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku doonayey inuu ku booqdo qasriga Louis XIV Palace oo uu ku iibsaday ku dhawaad $350 milyan dollar dhowr sano ka hor.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo sare oo siyaasiyiin ah oo ka tirsan dowladda France, Bin Salmaan wuxuu doonayey inuu waqti ku qaato qasriga Louis XIV oo ku yaalla duleedka Paris.

Hase yeeshee, Faransiiska ayaa taas ku gacan seeray, ayaga oo booqashada Bin Salmaan u arkay mid ceebeyn doonto Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo ku dhex jira xilli xasaasi ah iyo culeys uu kala kulmayo shacabkiisa sababa la xiriira inuu ku fashilmay mashaariicdiisa dib u habeynta.

Sidoo kale, sababta Bin Salman loogu diiday booqashada ayaa lagu sheegay inay tahay inay France ay ka cabsi qabto inay culeys kala kulanto dunida maadaama Bil Salman lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka wariye Jamal Khashoggi.

Waxaa intaas dheer, Sacuudi Carabiya oo dhowaanahan aad looga hadal hayey warbaahinta inay jaajuustay suxufiyiin iyo ganacsato dhowr ah oo reer galbeed ah oo siyaasadeeda diidan, taasi oo booqashada Bin Salmaan ee Paris abuuri karta xiisad siyaasadeed oo madaxweyne Macron uu kula kalmo gudaha dalkiisa.

Maxamed Bin Salmaan ayaa qasrigan iibsaday xilli uu isku dayayey inuu yareeyo ku tiirsanaan Sacuudi Carabiya ee dhaqaalaha shidaalka. Qasriga Louis XIV Palace ayaa la sheegay inuu yahay kan dunida ugu qaalisan.

Bin Salmaan ayaa ku caan baxay iibsashadiida faanka ku dhisan. Sanadii 2016 wuxuu 500 oo milyan oo dollar ku iibsaday doon lagu raaxeysto, halka sanad kadib la shaaciyey inuu ahaa qofka ku guuleystay iibka xaraashka sawir gacmeedka Leonardo Da Vinci ee Salvator Mundi, oo uu ku iibsaday 450 milyan oo dollar.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN