Maxamed C/raxmaan Ibraahim oo dil toogasho lagu xukumay

1951

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ku xukuntay Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan Ibraahim, kaasoo bishii 10aad ee sanadkii hore dilay Sarkaal Boolis ah oo lagu magacaabi jiray Salaad Xasan Maxamed.

Sarkaalka Booliska ayaa lagu dilay Ex Koontarool Afgooye, waxaana la sheegay in askariga uu si jees jees ah u dilay, iyadoo dhowr jeer oo hore uu handadi jiray.

Askarigan ayaa markii uu falka dilka geystay u baxsaday degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo dhamaadkii bishii 10aad ay ka soo qabteen Ciidamada Ammaanka.

Ciidamada Amniga ayaa askariga gacan ku dhiiglaha ahaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda, waxaana 24-kii bishii 12aad ee sanadkii hore bilaabatay dhageysiga dacwadda loo heystay ee dilka aheyd.

Maxkamadeynta Askariga oo muddo todobaadyo qaadatay ayaa lagu soo bandhigay saddex marqaati oo goobjoog ka aheyd dilka uu geystay, iyagoo caddeeyay inuu Maxamed C/raxmaan Ibraahim uu geystay dil ula kac ah.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa Ciidamada ayaa dil toogasho ku xukuntay Dable Xoogga dalka Maxamed C/raxmaan Ibraahim oo ah qisaasta Marxuum Salaad Xasan Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.