Maxamed Cabdi Abuukar oo 8-bilood jir ah ayaa noqday qofkii ugu da’da yaraa ee ku dhaawacma Qaraxii Muqdisho +SAWIRRO

1836

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgooska Ex-Koontarool Afgooye ayaa galaaftay nolosha dad ku dhaw 100-qof, waxa ayna dadkaasi isugu jireen caruur , haween, dhalinyaro iyo dad da’ ah.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa kamid ah Maxamed Cabdi Abuukar oo 8-bilood kaliya jira, wiilkan yar ayaa sidoo kale qaraxa waxaa ku dhimatay hooyadiis oo dusha ku wadatay.

Dhaawaca Wiilkan yar oo ah mid xoogan ayaa hada lagu daweenayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana wiilkan isbitaalka kula jirta oo xaaladiisa ka war heysa eedadiis.

Wiilkan yar ee ku dhaawacmay qaraxii musiibada ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sawirro laga soo qaaday waxa uu rogay dareenka bulshada Soomaaliyeed, waxa ayna dadka badan la ilmeeyeen dhibka wiilkan iyo dad badan shalay soo gaaray.

Qaraxii shalay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa kamid noqonaya qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan noloshooda ku waayay dad badan oo shacab ah oon waxba galabsan.