Maxay Norwey oo xiriirka ugu jartay shirkada Caterpillar?

14

Sanduuqa hantida qaranka Norway, oo ah midka ugu weyn dunida, kana badan $2 tirilyan, ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay maalgashigii uu ku lahaa shirkadda Mareykanka ee soo saarta qalabka dhismaha, ee lagu magacaabo Caterpillar.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii lagu eedeeyay shirkadda in qalabkeedu uu gacan ka geysanayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee ka socda Qasa iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Bangiga Dhexe ee Norway, oo maamula sanduuqan, ayaa Isniintii sheegay in shirkadda Caterpillar laga reebay liiska maalgashiga sababtoo ah halis aan la aqbali karin inay shirkaddu ku lug leedahay, taas oo ay kamid yihiin xadgudubyo waaweyn oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah xilliyada dagaalka iyo colaadaha.

Golaha Anshaxa ee sanduuqa ayaa ku dooday in bulldozerrada Caterpillar ay si toos ah u adeegsanayaan ciidamada Israa’iil, gaar ahaan burburinta guryaha iyo hantida dadka Falastiiniyiinta ah, taas oo jebinaysa sharciga caalamiga ah, golaha ayaa intaas ku daray in shirkaddu aysan qaadin wax tallaabo ah oo lagu joojinayo isticmaalka qalabkeeda si khaldan Kahor inta aan go’aankan la gaarin.

Sida ay shaacisay Wasaaradda caafimaadka ee Gaza, waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaangeliyey saddex dhimasho ah oo lala xiriirinayo gaajada ba’an ee ka jirta halkaasi.

Tan ayaa kor u qaadaysa tirada guud ee dadka gaajada ugu dhintay Gaza tan iyo Oktoobar 7, 2023-kii.

Wadar guud ayaa noqoneysa in Gaza ay gaajo ugu geeriyoodeen ilaa 303, ruux oo ay ku jiraan 117 carruur ah, mana jirto ilaa iyo iminka dadaal lagu kalsoonaan karo oo dadkaasi lagu samata-bixinayo, taas oo xaaladda sii cakireysa.