Maxay Soomaalidu ku xasuusan doonaan Aden Barre Ducaale +Video

2020

Aden Barre Ducaale ayaa in ka badan 8 sano soo ahaa gudoomiyaha Aqbaliyadda baarlamaanka dalka Kenya, oo ay deris yihiin Soomaaliya, wuxuuna mudadaas qeyb ka ahaa xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee oo uu hogaamiyo Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyata, isagoo si adag Aden uga guuleystay siyaasiin kala duwan oo la tartamay gaar ahaana Faarax Macalin oo lagu xasuusto in uu horey u diidanaa faragalintii Itoobiya ee Soomaaliya.

Aden, ayaa qeyb weyn ka qaatay meelmarinta sharciyo la xariira arrimaha Soomaalida oo laga gudbiyey golaha baarlamaanka ee dalka Kenya, laakiin dadka aan taageerin waxay ku dhaliilaan in uu gaabsi iyo nin qabyaaladdu ku weyn tahay.

Mr, Ducaale waxaa lagu xasuustaa in uu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo uu geeyey gobalka Soomaalida uu ku sheegay in uu yahay ruux beesha Daarood ah, taas oo ay dad badan aad uga soo horjeesteen oo ay u arkayeen loolan siyaasadeed.

Ragga ay is hayaan Aaden Barre Ducaale, marar badan ayay ka gudbiyeen dhaliilo xoog leh, oo ay ku sifeeyeen nin aan dooneyn in xaquuqda uu leeyahay gobalka Waqooyi Barri Kenya uu helo, waxaana uu horey aad uga soo horjeestay qodobada ku saleysan xaga waxbarashada.

Mr, Ducaale caqabadaha uu haystay mudadii uu xilkan hayay waxa kamid ah dagaalka Al- Shabaab ee gobalkas ka bilowday xiligiisii, kaas oo sabab u ahaa ciidamada Kenya ee jooga Jubbaland, kuwaas oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Laakiin, ciidankaas ayaa lagu sifeeyaa badankoodu in aysan ku joogin sifo sharci ah, si lamid ah dawladda Itoobiya oo ciidamo badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwas oo ku gabanaya magaca howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Doorashadii Soomaaliya ee Madaxweyne-nimada ay u doorteen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu Aadan ka mid ahaa dadka aadka u taageeray, ilaa uu gaaray in xubno katirsan mucaaradka dawladda Faderaalka Soomaaliya u diido in ay shirar ku qabsadaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaana magaalada Nairobi.

Laakiin xariirkas ayaa xumaday, markii Xukuumadda Faderaalka ay shaqada ka saartay mid kamid ah ehelada Aden Barre Ducaale oo ahaa wasiir katirsanaa Xukuumadda Faderaalka, kaas oo lagu eedeyeey musuqmaasuq, ayna kaliftay in xilkiisa laga qaado.

Aden wuxuu si toos ah u taageeray doorashadii Axmed Madoobe, isagoo Kenya ku cadaadiyey in ay qeyb weyn ka noqoto in aan la bedelin Axmed Madoobe, wuxuuna dadaal badan galiyey sidii loo joojin lahaa qorshe kasta oo ay faragalin doorashadas ku sameyso dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Duulimaadyada Hawada ee Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay tagaan Kenya ayaa duulimad gaar ah uu ku tagay, taas oo ahayd jabinta sharciyadda Xukuumadda Faderaalka, isagoo waliba kasoo jeeda dal Shisheeye oo ay Soomaliya diblumaasiyada isku hayaan.

Kalmada caan-baxday ee Aaden Uunsi ayaa ka raacday madashii Caleema-saarka Axmed Madoobe oo ay isku jifo yihiin, ka sokowna uu dagaal adag u galay sidii uu xilkaas u heyn lahaa, laakiin Axmed kuma heyn Karin kursiga Aqbaliyada baarlamaanka Kenya oo ugu dambeyn maanta uu seegay.

Sidaas oo kale Aadan Barre Ducaale, waxaa lagu xasuusan doonaa in uu ku eedeeyey Soomaaliya in ay doonayso in ay qaadato Badda Kenya, isagoo xiligaas ka hadlayay muranka xagga Badda ah ee ay Kenya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb kamid ah Biyaha Soomaaliya.

Wareysi uu maanta oo Isniin ah siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayuu Aadan Ducaale ku sheegay in mowqifkiisa ku aaddan khilaafka badda uu kala mideysan yahay dowladdiisa.

Ugu dambeyn, Aaden Barre Ducaale ayaa maanta macsalaameeyey kursiga Gudoomiyaha Aqbaliyadda oo uu hayay 8dii sanno ee lasoo dhaafay, dad badan oo aragtidooda ka dhiibtay baraha bulshada ayaa ku faraxsanaa ceyrinta Aaden Barre, kuwaas oo u arkayay in uu ahaa ruux Soomaalinimadiisa shaki galiyey oo la saftay Kenya oo uu dhalashadeeda haysto.