Maxbuus 20 sanno ku xirnaa Guantanamo oo lasii daayay+SAWIRRO

234

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in Maxbuus u dhashay dalka Sacuudi Carabiya laga sii daayey Xabsiga Guatanamo Bay ee ay Milliteriga Maraykanka maamulaan.

Maxbuuska oo lagu magacaabo Eng. Ghassan Abdallah Ghazi Al-Sharbi waxa uu in ka badan 20 sano ku xirnaa Xabsiga, isagoo looga shakiyey inuu qeyb ka ahaa Weerarkii Alqaacida ee Diyaaradaha loo adeegsaday ee ka dhacay magaallooyinka ku yaalla Maraykanka bishii September 11-dii ee sanadkii 2021-dii.

Maxbuuska oo 48 jir ah waxaa bishii March ee sanadkii 2002-dii laga soo qabtay magaalladda Faisalabad ee dalka Pakistan, waxaana loo beegsaday isagoo cilmiga Duulista Diyaaradaha ka bartay Jaamacadda Arizona ee dalka Maraykanka iyo inuu wax la bartay 2 ka mid ah xubnihii Alqaacida ee geystay Weerarkii Diyaaradaha la afduubtay ee loo adeegsaday Qaraxyadii Mataanaha ahaa ee ka dhacay Maraykanka.

Maxbuuska, Eng. Ghassan Abdallah Ghazi Al-Sharbi waxaa dib loogu celiyey dalkiisa Hooyo ee Sacuudiga, kaddib markii baaritaano bishii February ee sanadkii hore ee 2022-kii lagu ogaaday in la sii dayn karo Maxbuuska, maadaama uusan wax Xil Hoggamineed ama Fududeeye ka haynin Ururka Alqaacida.

Hadal-qoraal oo ay Guddiga Dib-u-eegista Kiisaska Maxaabiista ku xiran Xabsiga Guantanamo Bay Bay saareen shalay oo Arbaco ahayd waxay ku taliyeen in Maxbuuska lagu gudbiyo Xabsiga Sacuudiga, iyadoo lala soconayo Fulinta Tallaabooyinka dhamaystiran ee Ammaanka, La-socodka Dhaqdhaqaaqiisa, Xadidaadan Safarkiisa iyo Isdhaafsiga xogtiisa oo joogto ah.

Si kastaba, Xabsiga Guantanamo Bay waxaa haatan ku xiran 31 Maxbuus oo 17 ka mid ah loo raadinayo Dalalkii oggolaan lahaa in loo wareejiyo.

Labo isbuuc ka hor, Labo Maxbuus oo Walaalo ah ayaa laga sii daayey Xabsigaasi, kuwaasi oo dib loogu celiyey dalkooda Hooyo ee Pakistan.