Maxkamad kahor timid qorshihii Trump

12
Donald Trump
Donald Trump

Garsoore Mareykan ah ayaa si ku meel gaar ah u hor istaagay amarkii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu beddelo sharciga dhalashada.

 

Sharcigan oo la qorsheynayay inuu dhaqan galo bisha Febraayo, ayaa wuxuu Garsoore John Coughenour ku tilmaamay amarkan mid si cad uga soo horjeeda dastuurka dalka Mareykanka.

 

Garsooraha ayaa amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah loo joojiyo mid kamid ah amarada fulinta ee Trump, kaas oo doonayay in loo diido dhalashada carruurta muhaajiriinta aan sharciga lahayn.

 

Tani waa amar aan gabi ahaanba aan dastuuri ahayn,” ayuu yiri garsooraha. Waxay ka dhigan tahay in amarka fulintiisa la hakin doono 14 maalmood iyadoo la sugayo dacwado kale ee dhanka sharci ah.

 

Dhanka kale, illaa afar gobol oo kala ah- Washington, Arizona, Illinois iyo Oregon ayaa weydiistay maxkamadda degmada in ay xannibto amarka inta ay maxkamadda federaalku go’aan ka gareyso dacwadaha ka dhanka amarka Trump ee ay gudbiyeen.

 

Amaradii is-dabajooga ahaa ee uu mdaxwayne Trump soo saaray maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kamid ahaa in sharciga dhalasahada wax laga badalo. Sharciga dhalashada oo ah mid ku qoran dastuurka ayaa dhigaya in caruurta ku dhalata gudaha Mareykanka ay si toos ah u noqdaan Ameerikaan.

 

Trump ayaa ku amray hay’adaha Mareykanka inay diidaan inay aqoonsadaan dhalashada carruurta ku dhalatay Mareykanka haddii aysan hooyadood iyo aabahood midna ahayn muwaadin Mareykan ah ama sharci ahaan aysan haysan deganaanshaha joogtada ah.

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka uu soo saaray gorsoorahaasi.