Maxkamada dambiyada aduunka oo dalbatay in la soo xiro Raisul Wasaraha Srail

128

Dacwad oogaha maxkamadda Dembiyada Caalamiga (ICC) ayaa dalbaday in la soo xiro Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant.

Sidoo kale waxaa ay maxkamadda dalbatay in la soo xiro hoggaanka sare ee ururka Xamaas, kuwaaso kala ah; Ismail Haniya, madaxa siyaasadda ee ururka Yaxye Sinwar, madaxa Xamaas ee Qasa iyo taliyaha guutada hubaysan ee Xamaas, Maxamed Deif.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC), Karim Khan ayaa shaaciyey go’aankan.

“Netanyahu iyo Gallant ayaa mas’uul ka ah dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee ka dhacaya Qasa, Waxay sababeen dabar goynta dadka iyo gaajada oo ah ficil dagaal — Haddii aynaan muujin rabitaankeena ah inaan si siman u ixtiraamno sharciga, tani waxay la macno tahay burburka sharciga.” ayuu yiri

Waxaa kalo uu dembi dagaal u aqoonsaday weerarkii Xamaas ay qaaday 7 Oktoobar.

Markii uu soo baxay go’aankan, warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday inay ku sheegto go’aan ceeb caalami ah ku ah Netanyahu oo inta ay dacwada socotay dadaal ku bixinayay inuusan soo bixin go’aanka ay ICC ku dalbaynayso in la soo xiro.