Maxkamada sarre ee Somaliland oo ansixisay xildhibaanadii laga doortay Hargaysa +VIDEO

1394

Maxkamada sarre ee Somaliland oo dhawaan loo gudbiyay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada, ayaa soo saartay jadwalka ansixinta golayaasha deegaaka cusub.

“Waxanu halkan idinku soo gudbinaynaa jadwalka ansixinta natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ee 20 degmo-doorasho oo ay soo gudbiyeen maxkamadaha gobolada iyo G/degmo, idinkuna waxad soo saartan jadwalka fadhiga 1aad si loo dhaariyo” ayaa lagu yidhi warsaxafadeed maxkamadu soo saartay.