Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo diiday Eedeymo Loo Heystay Weriye Cali Aadan Muumin

2686

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun yaab badan ku riday Wariye Cali Aadan Muumin oo Maalintii Shalay aheyd xabsiga loo taxaabay.

Wariyaha oo Shalay galab la geeyey Maxkamadda ayaa waxaa dib loo balamay Maanta kadibna waxaa soo baxay Xukun.

Maxkamadd ayaa sheegtay in Wariyahaan ay dacwad kasoo gudbiyeen Baratakoolka Madaxweyne Farmaajo, Booliska Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada.

Maxkamadda ayaa Wariye Cali Aadan ku xukuntay inuu xabsiga kusoo jiro illaa uu ka dhammaanayo Imtixaanka Dugsiga sare ee ka socdo Soomaaliya.

Imtixaanka Dugsiyada sare ayaa dhammaanayo Maalinta Jimcaha ah, waxayna wararka qaar sheegayaan inay Maxkamadda amartay in xoriyadiisa dib loogu celiyo Maalinta Berri ah oo Khamiis ah saacadda marka ay tahay Todobo saac oo duhurnimo ama Kowda Duhurnimo.

Cali Aadan Muumin ayaa inta waqtigaas ka dhiman wuxuu kusii jiri doonaa gacanta Ciidamada Booliska gaar ahaan qeybta dambi baarista ee CID.

Xukunkaan ayaa noqday mid yaab leh, waxayna xogta hoose shaageysaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay diiday markii hore inay dacwadaan qaado maadaama ay sheegtay inaysan dacwad aheyn Facebook ayaa qoraal lagu soo qoray.

Cadaadis weyn oo kaga yimid dhinacyada soo dacweeyey Cali Aadan Muumin ayaa keenay inay maxkamadda qaadato go’aankaan oo u muuqdo inay tahay mid lagu doonayo in lagu qariyo sidii sharci darada aheyd ee Xoriyadda looga qaaday Wariyahaan.

Goobjoog ayaa goor sii horeysay xarigiisa ku tilmaantay sharci-darro, iyada oo dalbatay in la sii-daayo sida ugu dhaqsaha badan.

Akhriso: War-saxaafeedka Goobjoog WAR-SAXAAFADEEDKA