Maxkamadda gobolka Banaadir oo Waaran soo qabasho ah u jartay Axmed Madoobe

82

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd waaran soo qabasho u jartay Axmed Madoobe oo markii saddexaad 25-kii bishaan loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu soo saaray amarkan oo dhigaya soo qabashada Axmed Madoobe, si loo horkeeno maxkamadda.

Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay aqbashay codsiga sare ku xusan (soo qabasho waaran) ee kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sidaas darteed waxaa la farayaa taliyaha ciidanka booliska in aad soo qabatid, islamarkaana horkeentid maxkamadda gobolka Banaadif eedeysane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe),” ayaa lagu yiri amarka soo qabasho ee kasoo baxay maxkamadda.

Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida lagu yiri qoraalka maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda.

Waaranka soo qabasho ee maxkamadda gobolka Banaadir u jartay Axmed Madoobe ayaa imanaya kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Golaha wasiirrada ayaa markaas qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamo u dirtay deegaanada maamulka Jubbaland, si looga hortago qorshaha Axmed Madoobe uu markale ku qabsaday xukunka, iyadoo laga deyrinayo in xiisadda isku rogto dagaal toos ah.