Maxkamadda aduunka oo diiday codsigii Kenya ee dib u dhigista kiiska badda

1675

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa ku gacan seertay codsigii dowladda Kenya ay ku dooneysay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya vs Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiri Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ.

Philippe Gautier ayaan intaas ku daray in dhageysiga uu dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, wuxuuna labada dhinac ku war-geliyey inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku matli doodad.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynasyo go’aankan kama dambeysta ah, ee shalay galab Maxkamadda Adduunku ay ku laashay codsigii Kenya ay ku dooneysay in mar kale la dib dhigo dhageysiga dacwadda baddeena ee ay ina ku haystaan hoggaanka dalkaas.

Sida horey loo qorsheeyey dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhici doontaa 15-ka illaa 19-ka bisha March ee sanadkan.