Dab xooggan oo saaka ka kacay Guriceel+SAWIRRO

1726

Wararka imaanaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dab xooggan uu saaka ka kacay goobo ganacsi ku yaala degmadaas.

Dabkan ayaa la soo sheegayaa inuu ka kacay xarun ganacsi oo lagu magacaabo Beder, gaar ahaan qeybta shidaalka.

Dabkan oo bilowday abaarihii lixdii subaxnimo ayaa weli socda, waxaana uu ku fiday dhismayaal kale oo ganacsi.

Qaraxyada fuustooyinka shidaalka baasiinka ayaa la maqlayaa, waxaana is qabsaday uuro iyo holac.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu dabka ka kacay ayaa muujinaya baaxada dabka, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu damiyo.