Man United oo 2-1 kudubatay Watford+SAWIRRO

1868

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa guushiisii ugu horaysay ee isaga oo tababaraha rasmiga ah ee Man United waxa uu ku gaadhay Old Trafford kadib markii ay Red Devils guul 2-1 saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Watford oo xili danbe xaalada ku adkaysay Man United.

Marcus Rashford iyo Anthony Martial ayaa u muuqday in ay guul raaxo leh gaadhsiinayeen Man Uited laakiin gool uu Abdoulaye Doucoure u dhaliyay Watford dhamaadkii ciyaarta ayaa Ole Gunnars iyo jamaahiirta kooxdiisa walwal ku abuuray.

Man United ayaa dhibco la wadaagta kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Tottenham oo barri imtixaan adag ku mari doonta Anfield, laakiin sidoo kale Arsenal ayaa kulanka Newcastle United isku dayi doonta in ay Man United gadaal u sii riixdo haddii ay guul gaadhaan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Man United iyo Watford halkan ayaanad kaga bogan kartaa:

Xidigii Garoonka: Luka Shaw ayaa halkiisa ka sii wata qaab ciyaareedka fiican ee uu xili ciyaareedkan kaga soo jiray Man United wuxuuna noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa isaga oo waliba hadda u muuqda mid ku guulaysan kara xidiga xili ciyaareedkan ee Man United ugu fiican.

Laakiin waxaa kulankan qiimayn liidata ka helay Matic, Herrera iyio Pogba si la mid ah Juan Mata waxayna ciyaartoy dhawr ah oo kooxda Watford ka tirsani ay heleen qiimayn ka saraysa ciyaartoy ay kooxdoodu guuldaraysatay.

Halkan kaga bogo qiimaynta oo dhamaystiran;

Manchester United: De Gea (6), Young (6), Smalling (7), Jones (7), Shaw (8), Herrera (5), Matic (5), Pogba (5), Mata (5), Martial (7), Rashford (7)

Badalkii: Lingard (6), Pereira (5), Rojo (5)

Watford: Foster (5), Janmaat (5), Britos (6), Kabasele (6), Masina (5), Capoue (6), Hughes (6), Doucoure (7), Pereyra (6), Deulofeu (7), Deeney (7)

Badalkii: Feminia (5), Success (5), Gray (5)