Cristiano Ronaldo Oo Kaligiis Ka Mushahar Badan 3 Kooxood

1462

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka qaata Manchester United mushaar ka badan midka ay qaataan 3 kooxood oo ka ciyaara horyaalka Premier League.

Norwich, Leeds iyo Brentford ayaa ku qarashgareeya wax ka yar £ 25m sanadkii mushaharka ciyaartoyda.

Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Premier League, isagoo toddobaadkii qaata £ 480,000, taasoo u dhiganta £ 24.96 milyan sanad walba.

Dhanka kale kooxda Norwich city ayaa kooxdeeda oo dhan mushahar ahaan u bixisa sanadkii 24.24 milyan euro oo ay qaataan 31-ka xiddig ee kooxda ka ciyaara.

Wargayska Spotrac ayaa sheegaysa in ay kooxda Leeds United mushahar ahaan u bixiso sanadkii 18 milyan oo euro oo ay kala qaataan 25-ka xiddig ee kooxda u ciyaara.

Kooxda Waford ayaa dhankeeda mushahar ahaan bixisa 13 milyan oo euro sanadkii iyaga oo u kala qaybiya 28 xiddig oo kooxda 1-aad ah.

Dhanka kooxaha Man United ayaa mushahar ahaan u bixisa lacag dhan 227 milyan euro halka ay kooxda chelsea ku xigto iyaga oo mushahar ahaan u bixiya lacag dhan 163 milyan oo euro halka ay man City bixiso 143 milyan euro sanadkii.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN