Liverpool Oo kutukamatay Crystal Palace +Sawirro

1641

Kooxda Liverpool ayaa guul qurux badna oo ay ku raaxaysteen ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 31-aad ee horyaalka Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa si dar-dar leh u ciyaaraysay iyaga oo Crystal Palace ku qaadayay weeraro waali ah oo aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal.

Sidii caadada ahayd ee aan Liverpool uga baranay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay waxa ay Liverpool si waali ah uga socotay labada baal daafac oo ay ka ciyaarayeen xiddigaha Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold kuwaas oo labadooduba ku lug lahaa Goolal.

Sidoo kale Waxa si fiican u ciyaarayay dhamaan xiddigaha Liverpool sida Fabinho, Henderson iyo waliba Xiddigaha kale ee Reds kuwaas oo aanu midba midka kale ka dhicin.

Daqiiqadii 23-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana laad xor ah si qurux badna ugu dhaliyay xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo ciyaarta ka dhhigay 1/0 ay Reds ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Liverpool ayaa heshay fursado badan oo ay goolal ka dhalin kareen Laakiin waxa u suurtagali wayday in ay shabaqa soo taabtaan gool-na ka dhaliyaan fursadihii ay helayeen.

Laakiin daqiiqadii 44-aad ayay Arintaas is badashay kadib markii ay Reds heshay goolka 2-aad ee ciyaarta kaas oo uu u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Reds si fiican ugu raaxaystay waliba dhalin kartay qaybta hore goolal ka badan inta ay dhalisay.

Qaybtii dambe ayay Liverpool halkeedii ka sii wadatay baashaalka iyo waliba qaab ciyaareedka fiican iyaga oo raadinayay in ay badsadaan goolasha waliba dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 55-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyada oo uu gantaal aan la qaban karin uu shabaqa dhex-dhigay xiddiga Fabinho kaas oo uu caawintiisa lahaa xiddiga Andy Robertson.

Kooxda Liverpool ayaa heshay fursad kale oo dheeman ah waxana markan ka khasaariyay xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo kubada gacmaha u galiyay Goolhayaha Crystal palace.

Waxa intaas sii dheerayd in ayna kubad haysashada Liverpool ayna marna hoos uga daganyn 70% iyaga oo Crystal Palace Nacsiiyay in ay kubada raadiyaanba.

Daqiiqadii 68-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 4-aad waxana markan isku qoray gool dhalinta xiddiga Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Reds ku hogaaminayso ciyaarta.

Reds oo ciyaarta iska maamulaysay ayaa wax walba u samaysay in ay dhaliso goolal kale laakiin Crystal Palace ayaa difaacanaysay goolkeeda.

Waxa ugu dambayn sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sidaas ku gaadhay guul hal dhinac ahayd hal talaabo oo kalena u qaaday ku guulaysiga premier League.