Man United Oo Guul Weyn Ka Gaartay Sheffield United +Sawirro

1895

Man United ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Sheffield United oo ay uga talaabsadeen sedex gool oo nadiif ah xilli nasiinada lagu aaday laba gool

United iyaga aya kubadda haystay xilli Sheffield United ay ku adkeyd in ay kubadda horay u soo jiidaan kaliyana daafac ayay ku jireen.
United oo fursado dhowr ah iska qasaarisay waxa ay goolka hore heleen daqiiqadii 7-aad xilligaas oo uu saxiixay Martial halka kan labaad ee qeybtii hore uu dhaliyay isla Martial daqiiqaddii 44-aad iyadoo midka sedexaad isla Martial uu dhaliyay daqiiqadii 74-aad.
United isku xernaan ayaa ka muuqatay kulankaan iyo in si sax ah isugu balaarinayaan garoonka xilli ay u sii dheereyd is fahan u dhaxeeyay ciyaartooyda tababare Ole Gunner

Wax yaabaha United ku wacnaayeen kulankaas waxaa ka mid ah in si fog ay u gaarayeen gudaha fog ee Sheffield United.

Sheffield United , guud ahaan waa laga wacnaa kumana aysan dhiirraneyn in ay kubadda la qeybsadaan Man united

Guud ahaan , ciyaartooyda United waxa ay kulankaas soo bandhigeen is fahan iyo kalsooni waxa ayna ciyaarta aheyd mid iyaga gacanta ugu jirtay .

Martial ayaa sraa u qaaday goolashiisa xili ciyaareedkaan waxa uuna gaaray goolkiisii 19-aad dhamaan tartamada xilli sidoo kale uu noqday xiddigii ugu horeeyay United oo sedeleey dhaliya tan waqtigii tababre Sir Alex ee sanadkii 2013-kii

Habeenki Martial ayay aheyd waxa ayna United badlakoodii ugu horeeyay sameeyeen daqiiqadii 80-aad shan badal ayay sameeyeen iysaga oo soo giliyay Ighalo,Pereira,Mactominay,Daniel James iyo Mata oo loo saaray Martial , Pogba, Bruno Fernandes, Rashford iyo Greenwood.