Liverpool Oo Goolhaye Cusub La Soo Wareegtay

1815

Liverpool ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd inay heshiis xor ah kula soo wareegtay goolhayaha khibrada leh Adrian.

Goolhayaha 32 jirka ah ayaa qandaraas u saxiixay kooxda Reds ka dib markii goolhaye Simon Mignolet uu maanta heshiis joogta ah ugu biiray kooxda Club Brugge.

“Aad ayaan u faraxsanahay inaan halkaan imaado oo aan u shaqeeyo kooxdaan weyn, waxaana bilaabi doonaa howsheyda garoonka sida ugu dakhsiyaha badan” ayuu Adrian u sheegay website-ka kooxdiisa cusub.

“Waxaan ahay qof aad u hami badan, waxaan halkaan u imid inaan ku guuleysto wax walba inaan isku dayo inaan riixo Allisson daqiiqada ugu horeysa oo aan naga dhigo koox ka fiican sidii hore.

“Sida iska cad waxaan doonayaa inaan koobab ku guuleysto. Waxaan halkaan u imid inaan u dagaalamo tartamada oo dhan. Waxaa inaga horeeya tartamo badan, waxaana isku dayi doonaa inaan u dagaalano oo aan ku guuleysano.

“Waxaan sugi la ahay kulankeyga ugu horeeya ee Anfeild iyo inaan badino kulamo badan inta aan awoodno.”

Adrian ayaa Liverpool ku soo biiray lix sannadood uu joogay kooxda West Ham United isagoo qandaraaskiisa kooxda reer London uu dhacay bishii Juun.

Goolhayaha reer Spain waxa uu West Ham kaga soo biiray Real Betis sannadii 2013 waxaana uu kooxda u saftay 150 kulan.

Waa saxiixii seddexaad ee ay Liverpool sameyso xagaagan ka dib markii ay sidoo kale la soo wareegeen da; yarta Sepp van den Berg iyo Harvey Elliot.