
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa sheegay in wada-hadal dhab ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer u dhexeeyay labada dhinac.
Boqor Buurmadow ayaa wareysi cusub oo uu bixiyay ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dhinaca ugu dhow ee ay Somaliland wax ku xallin karto, isla markaana aysan jirin beddel ka wanaagsan wada-hadal iyo is-afgarad.
Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-xaajoodyada u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, si xal waara loogu helo arrimaha taagan.
Boqorka ayaa sidoo kale sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u arko hoggaamiye ay suuragal tahay in wada-hadal miro dhal ah lala yeesho. Sida uu sheegay, haddii labada dhinac ay muujiyaan rabitaan siyaasadeed, ay jirto fursad lagu gaari karo is-afgarad wax ku ool ah.
Isagoo ka hadlay aragtidiisa ku aaddan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, Boqor Buurmadow ayaa sheegay inuu taageersan yahay dib u midoobidda Soomaaliya haddii Somaliland la siiyo calanka iyo caasimadda dalka. “Haddii calanka iyo caasimadda la siiyo Somaliland, aynu Soomaaliya la midoowno, maxaynu ku diidnaa,” ayuu yiri Boqorka.
Buurmadow ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Somaliland la yeelatay Israa’iil, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay ka dhalatay cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu ku dooday in haddii labada dhinac ay hore u gaari lahaayeen heshiis siyaasadeed, aysan Somaliland u baahateen inay raadiso xiriirro noocaas ah.
Waxa uu intaas ku daray in tabashada Somaliland ay tahay mid siyaasadeed oo u baahan xal iyo wada-hadal, balse aysan ka dhignayn nacayb loo qabo Soomaaliya. Sida uu sheegay, haddii Dowladda Federaalka ay muujiso diyaar u ahaanshaha xalinta tabashooyinka jira, wuxuu ku taliyay in Somaliland dib u eegto xiriirka ay la leedahay Israa’iil.
Hadalka Boqor Buurmadow ayaa ku soo aadaya xilli xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uu marayo marxalad aad u adag. Khilaafka labada dhinac ayaa sii xoogeystay kadib heshiisyadii ay Somaliland la gashay Itoobiya iyo Israa’iil, kuwaas oo Dowladda Federaalka ay si cad uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay kuwo ka hor imanaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Waxaa weli hakad ku jira wada-hadalladii u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa, iyadoo beesha caalamka ay marar badan ku baaqday in labada dhinac ay dib ugu laabtaan miiska wada-xaajoodka si xal nabadeed loogu helo khilaafka siyaasadeed ee soo jiitamayay muddo ka badan soddon sano.




















