Maxkamadeynta ninkii gubay xaaskiisa oo ka bilaabatay+VIDEO

216

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u guda gashay kiiska xasaasiga ah ee loo haysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadeynta ayaa goordhow ka bilaabatay xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, ayada oo si weyn loogala socon doono warbaahinta, maadaama uu yahay kiis xasaasi ah.

Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Sayid Cali oo kasoo muuqday fadhiga maxkamadda, loona akhriyay eedaha loo haysto ayaa sheegay inuu dood sharci ah ka qabo dacwadda culus ee lagu soo eedeeyay.

Intaas kadib ayaa waxaa is hortaag ku aadan kiiskan dalbaday Abuukaate Cali Xalane oo u doodayo eedeysanaha, isaga oo codsaday in kiiskan dib loogu dhigo, waxaase ka diiday maxkamadda oo qaadatay dacwadda maxkamadda oo ah in maanta la guda galo.

Dooda ayaa sidoo kale la guda galay, taas oo u dhexeysay qareenada iyo xeer ilaalinta oo goobta keentay marqaatiyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda oo qaarkood waxyeelo ay kasoo gaartay dabka

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan oo soo xiray dacwadda ayaa sheegay in la’isugu imaan doono fadhiga kale, wuxuuna faray xeer ilaalinta inay soo dhameystiro caddeymahadooda, si uusan u daahin kiiskan oo aad isha loogu wada hayo.

Eedeysanaha oo baxsaday ayaa waxaa horay usoo wareejisay hay’adda NISA oo kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, si loo maxkamadeeyo.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmo kahor ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in weli ay tirsanayaan cadaalad darro, maadaama la daahiyay maxkamadeynta eedeysanaha, ayada oo weli maydka marxuumadda uu ku jiro Firinjeer.

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana qoyskeeda ay dalbanayaan in lala aaso ninka gubay oo ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud.