Maydadka afar ruux oo lagu arkay duleedka Dayniile

1564

Maydadka afar ruux oo rag ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkay xalay deegaanka Ceelasha biyaha iyo meel u dhaxeysa Degmada Dayniile.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in afar qof oo rag ah, gacmahana ka xiran xalay lagu arkay ay ahaayeen maydadkaasi.

Waxay kaloo dadka sheegeen raggaan in la toogtay, islamarkaana aanan la aqoon cidda ka dambeysa falka toogashada ah ee lagula dhaqaaqay.

Falkaan oo dadka si wayn uga argagaxeen ayaa waxaa hadal haayo Bulshada deegaanka oo illaa hadda garan la’ cidda ka dambeysay dilkaan loo gaystay afarta ruux.

Masuuliyiinta amniga Degmada Dayniile kama aysan hadlin arrintaan, waxaana socda baaritaanka la xiriira dilka loo gaystay dadkaan aan la aqoon waxa ay yihiin.

Waa markii ugu horeysay sanadkaan cusub lagu arko Muqdisho afar ruux oo mayd ah, kuwaasi oo la toogtay.