Maydka Abwaan Sabgub Oo Maanta Laga Soo Dejiyay Jigjiga Oo Aas Qaran Loogu Samaynayo+SAWIRRO

1852

Waxaa magaalada Jigjiga gaaray maydka Abwaan Maxamed Cabdullaahi Singub, oo miisaan culus ku lahaa fanka iyo Suugaanta Soomaaliga,

Abwaanka Allaha u naxariistee wuxuu talaadadii ku naf baxay magaalada Addis Ababa.

Ciidammada baambeyda ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa soo galbiyay maydka, waxaana garoonka ku sugnaa madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo badan.

Waxaa lagu wadaa in abwaanka la aaso salaadda Jimcaha ka dib, sida ay A sheegeen guddiga qabanqaabada aaska.

Sooyaalkii taariikheed ee Abwaan Singub

Abwaan Singub ayaa hilaaddii 1943-dii ku dhashay magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, waxa uuna ka tagay 23 carruur ah iyo 2 xaas.

Waxa uu fanka kusoo biiray asagoo da’yar , waxa uuna ku bilaabay ciyaarta dhaantada oo uu aad ugu soo caan baxay.

Bilowgii sannadkii 1961 ayuu tagay magaalada Hargeysa oo uu muddo kooban Joogay, isla sanadkaas ayuuna u wareegay magaalada Muqdisho.
Waxa uu abwaanku caan ku ahaa samaynta riwaayadaha iyo curinta heesaha. Waxa uuna lahaa heeso iyo riwaayado badan oo caan baxay.

Riwaadaha sida wayn loogu xasuusto waxaa ka mid ahaa: Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna waa Matalayaan, Qabrigii Jacaylka, Xuskii Jacaylka , Xuudbaa liqay Jacaylka , iyo Qabyo oo uu sameeyey burburkii kaddib.

Sidoo kale riwaayadaha Xorriyo , Maadays , Gari makaa baxdaa (Ninba Tacabkii Talooy Kaa Maal) , iskuma Qaddo , Xaajo Ugub, Geedigaa Kaa lumay, Yaxaa Dhagaduub, Halkay Qoontu Taal Takhtarkii Qali Waa , Ummad Wada Qorqodo ah baan Wax u Qeybi Leeyahay iyo kuwa kale sida Afrikaay Hurudooy.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub sidoo kale wuxuu noqday maamulaha tiyaatarka Hargeysa.

Abwaan Singub waxa uu ka mid ahaa hal abuuradii ugu caansanaa ee taariikhda fanka Soomaaliyeed soo mara, waxa uu sannadihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo uu ka sameeyay koox la yiraahdo Deegaan kuwaas oo masraxyada la isugu yimaado ka dhiga heeso iyo riwaayado dhamaantood ka tarjumaya in dib loo dhiso Soomaaliya lagana gudbo kala qaybsanaanta.