Maydka Xildhibaan Aamina oo Muqdisho lakeenayo

969

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho la keeni doonaa Meydka Marxuumad Xil. Aamina Maxamed Cabdi oo xalay lagu dilay qarax  Is-miidaamin ah oo lagula beegsaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Meydka Aamina Maxamed oo diyaarad qaas ah looga soo qaadayo Garoonka Baladweyne ayaa saacad kadib laga soo dejin doonaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, si loogu aaso qaruubo ku yaalla Magaalada Caasimadda ah Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano, Wasiiro, siyaasiyiin, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale, isla markaana ka qeyb geli doona saalada Janaasada oo sida uu qorshahu yahay lagula tukan doono gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, xili ay socod ku mareysay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kalena goobta ku dhintay Askar ilaalo u aheyd Aamina.

Sidoo kale qarax kale oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxo qarxa ayaa isla xalay ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga Magaalada, waxaana qaraxaas dadka ku dhintay kamid ahaa Xildhibaan Cali Cabdi Dhuxul oo haatan Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka.

Allaha u naxariistee Aamina Maxamed Cabdi ayaa markii hore Baladweyne u tegtay tartanka doorashada kursiga ay ku fadhiday oo mar kale ay dooneysay kursigaas, iyadoo maalmihii dambe ay waday olole doorasho.