Meydadka nin iyo xaaskiisii hore oo meedkooda laga dhex helay gaari aan xabada karin

92

Gaari nooca aanan xabada karin oo ku xareysnaa Xero gaadiidka la dhigo oo ku taala agagaarka Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta laga dhex helay meydadka laba ruux.

Meydadka labada ruux ee gaariga laga dhex helay ayaa kala ahaa nin iyo xaaskiisii hore oo lagu kala magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle.

Labadaan ruux ee maanta meydadkooda la helay ayaa la weysana sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay sida ay warbaahinta u sheegeen ehaladooda, lamana oga sababta ka dambeysa geeridooda.

Marxuum Abuukar Yuusuf ayaa la sheegay inuu darawalka u ahaa Maxamed Zubeer oo ahaa xoghayihii joogtada ee xafiiska Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Cabdulqaadir Cabdulle oo ah Aabaha dhalay marxuumada meydkeeda la helay ayaa sheegay inuu saddex cisho kahor waayay gabadhiisa ayna raadinayeen, hayeeshee maanta lagu soo wargeliyay in meydka gabadhiisa iyo ninkii ay horay u kala tageen mudo laga joogo laba sano laga dhex helay gaariga.

Meydadka la helay ayaa haatan yaala xarunta CID-da oo baaris ku haysa sababaha ka dambeeya dilka labadaan ruux, waxaana ehelada marxuumiinta ay dowladda Fedaraalka ka dalbadeen in cadaalad helaan.

Dhacddan ayaa ah mid maanta si weyn looga hadal haayo magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe ay kusoo badanayeen dhacdooyinka sidaan oo kale u aragagaxa badan.