Meydka ruux dumar ah oo lagu arkay Kaaraan

1594

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Meydka Ruux dumar ah Saakay lagu arkay Xaafadda Suuqa Xirka dheere.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qofka dumarka ah korkeeda ay ka muuqdeen rasaas, islamarkaana xalay lasoo dhigay meel Xaaafad ah oo ay degan yihiin dadka Shacabka ah.

Dhacdadaan ayaa cabsi ku abuurtay dadka shacabka ee kunool Xaafadda Suuqa xirka dheere ee degmada Kaaran.

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay in ay tageen goobta, islamarkaana ay sheegeen in baaritaano lagu sameyn doono dhacdadaan.