
Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) ayaa si cad u diiday ku lug lahaanshaha xarumaha waxbarashada (iskuullo, machadyo iyo jaamacado) ee doorashooyinka lagu muransanyahay, kaddib markii ay soo baxeen warar la xiriira in xarumo waxbarasho loo adeegsan doono arrimo doorasho.
ASU waxay sheegtay in tallaabooyinkaasi Khatar ku yihiin nabadgelyada, madax-bannaanida, iyo sumcadda xarumaha waxbarashada Ay waxyeello u geysanayaan ardayda, macallimiinta, iyo maamulka Ay jabinayaan xuquuqda ardayda, kana hor imanayaan Dastuurka Federaalka iyo xeerarka doorashooyinka.






















