Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay dilka Ikraan Tahliil

1043

Midowga Musharaxiinta ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble inuu qaado saddex tallaab oo ku saabsan kiiska dilkii Ikraan Tahliil.

1- in is bedel degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka sare ee hey’adda Nabadsugida, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

2- in loo saaro guddi caalami ah oo madax bannaan si looga gungaaro xaqiiqda kiiskan

3- in hey’adda loo magacaabo hoggaan kalsoonida shacabka hanan kara