Midowga Musharaxiinta oo taageray 13ka G/Banaadir iyo shirka Dhuusamareeb

1228

Golaha Midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed xasaasiya oo ka kooban 6 qodob, oo ay uga hadlayaan shirka la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka.

Golaha ayaa ugu horeyntii cambaareeyay weerarkii ay shalay argagixisada ka fuliyeen hotel Afrik, kaasi oo sababay dhimashada dad gaaraya 9 ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ay isugu jiray Saraakiil, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Musharaxiinta Mucaaridka ayaa carabka ku adkeeyay in xiligan ay muhiim tahay in dalka ka qabsoomto doorasho wadar-ogol ah oo si xor iyo xalaal ah ku dhacda, isla markaana la tixgelinayo kala duwanaashaha ku aadan meel-marinta heshiiska doorashada.

“Goluhu wuxuu dalbanayaa in shirka la siiyo waqti ku filan, si fursad loogu helo xallinta caqabadaha ku hor gudban meel-marinta heshiiskii 17-ka Sept. Maadama mowqifyada dhinacyada shirka ka qeyb-galaya uu kala fogyahay, aysanna jirin kalsooni dhexdooda ah, wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in la helo dhinac kaalin dhex dhexaadin ah qaata, hubiyana fulinta qodobada lagu heshiiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay si wada-jir ah ugu baaqeen dhinacyda ka qeyb-galeysa shirkaas in la ballaariyo gogasha shirka, kana qeyb-galaan wakiillo metalaya saamileyda tabashada ka qaba fulinta heshiiska doorashooyinka, kuwaasi oo ay ku kala sheegen; Wakiiladda gobolada waqooyi, gaar ahaan Cabdi Xaashi, Midowga musharaxiinta iyo bulshada rayidka ee la aqoonsan yahay.

Qoddobada ay soo saareen Midowga musharaxiinta ayaa waxay kala yihiin: