DAAWO:-Midowga Musharixiinta oo shir la leh madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

1415

Goor dhaw waxaa shir uga furmay magaalada Muqdisho Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho u jooga ka qeybgalka shirka xal u helida ismari-waaga doorashada.

Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saaraya xaalada dalka, arrimaha doorashooyinka iyo waliba doorka musharixiinta ee la xiriira kulamada looga wada hadlayo doorashada dalka oo wali khilaaf xooggan uu ka taaggan yahay.
Midowga Musharixiinta iyo labada madaxweyne ee dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka mideysan diidamada hannaanka ay madaxtooyada Soomaaliya u maamuleyso arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo horey uu u sii joogay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ayaa markan waxaa garwadeen ka ah Beesha caalamka oo dadaal xoog leh ugu jirta sidii ay dhinacyada Soomaalida ugu heshiin lahaayeen hannaan doorasho oo leysla ogol yahay.