Midowga musharraxiinta oo taageeray gudidii ay magacaabeen Jubbaland iyo Puntland

1117

Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan go’aanadii ugu dambeeyey ee kasoo baxay dowlad goboleedyada Jubbaland & Puntland.

Ugu horreyn golaha ayaa soo dhoweeyey magacaabista guddiyada doorashada ee labadaasi maamul iyo shirka ay ku baaqeen in markale la’isugu yimaado Muqdisho.

Musharraxiinta mucaaraadka ayaa sidoo kale shaaciyey inay soo dhammeystireen turxaan bixinta guddiyada doorashooyinka, ayna diyaar u yihiin soo bandhigista liiska, haddii la helo goob iyo qaab loo hubiyo xubnaha guddigaaas ee walaaca laga muujinayo.

Sidoo kale golaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay sii laba jibaarto dadaalkeeda ku aadan xal ka gaarista muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Ugu dmabeyn golaha midowga musharraxiinta ayaa markale uga digay in dowladda federaalka inay qabato doorasho hal dhinac ah oo sababi karto xasilooni darro hor leh.