Midowga Yurub oo shaaciyey iney xirayaan Netanyahu

66

Qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka ayaa sheegay iney xirayaan RW Israel Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Gaashaandhiga Yoav Galant haddii ay cag soo dhigaan dalalkooda.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii Maxkamada caalamiga ah ee dembiyada ay soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu, Galant iyo Mohamed Def oo ah taliyaha xoogaga hubeysan ee Xamaas kuwaasoo lagu eedeeyey iney geysteen xasuuq.

Ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in Netanyahu la xiri doonaa isla marka uu cag soo dhigo Canada.

Wasiirka difaaca Talyaaniga, Guido Crosetto ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay xiri doonaan haddii Netanyahu uu soo booqdo dhulka Talyaaniga, kaddib markii maxkamadda ICC ay u jartay warran caalami ah oo lagu xirayo.

Nederlands ayaa sidoo kale sheegtay iney diyaar u ah inay ku dhaqaaqdo amarka ICC ee lagu xirayo Netanyahu haddii loo baahdo sida ay baahisay wakaalada wararka ee Nederlands ee ANP oo soo xiganeysa wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, Caspar Veldamp.

Haddii hoggaamiyaha Israa’iil yimaado ciidda Nederland, waa la xiri doonaa, Veldkamp ayaa u sheegtay Aqalka Wakiillada. Nederlaans waxay sidoo kale ka fogaan doontaa xiriirka aan muhiimka ahayn ee Netanyahu iyo Gallant.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska, Christophe Lemoine ayaa sheegay isna sheegay in falcelinta Faransiiska ee go’aanka ICC ay noqon doonto mid waafaqsan shuruucda maxkamadda.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in go’aanka lagu soo saaray amarradan uusan ahayn mid siyaasadeed ayna tahay in la ixtiraamo oo la fuliyo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan Ayman Safadi ayaa isna sheegay in go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee Dambiyada ay tahay in la ixtiraamo oo la fuliyo, isagoo intaa ku daray in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin inay helaan cadaalad, isagoo markaa caddeeyay inay Israa’iil dambiyo dagaal ka geysanayso Qasa.

Ururka Xamaas oo sidoo kale maxkamadda ay ku xukuntay in la soo xiro hoggaamiyahooda militari, Maxamed Dayf ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamadda oo ay dalbadeen in dalalku tixgeliyaan, si loo fuliyo.

124 waddan ayaa xubno ka ah maxkamadda ICC, kuwaasoo ay qasab ku tahay inay fuliyaan xukunka maxkamadda si ay u xiraan Netanyahu iyo Gallant. Haddii Netanyahu uu booqdo ama xitaa uu isticmaalo diyaaradiisa madaxweynaha hawada dalalkan, waa la xiri doonaa sida uu dhigayo sharciga maxkamadda ee ay dalalku saxiixeen.