Milatariga Suudaan oo ku dhawaaqay dowlad KMG ah

1724

Wasaaradda Difaaca Suudaan ayaa ku dhawaaqday in dalka ay ka jiri doonto dowlada kumeel gaar ah muddo labo sanno ah.

Militariga Suudaan ayaa hadda shaaca ka qaaday in xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaasi ka talinayay muddo 30 sanno ah, Cumar Al Bashiir.

“Guddiga sare waxay go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in dalka uu ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah muddo 2 sanno ah, militariga ayaa si rasmi ah ula wareegaya awoodda iyagoo matalaya shacabka reer Suudaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Suudaan.

Muddo 2 sanno ah ayaa waxaa xilka haynaya militariga Suudaan.

Waxaa uu sheegay in Al Bashiir lagu haynayo goob ammaan ah.

Waxaana dalka looga dhawaaqay xaalad degdeg ah.