Milateriga Sudan oo la wareegay talada dalka iyo go’aan muhiim ah oo goor dhow soo baxaya

1901

Ciidamada Milateriga ayaa u muuqda in si tartiib tartiib ul wareegayaan talada dalka, kaddib markii saaka aroortii la arkayay kumanaan askari oo waddooyinka ku sugan, lana wareegay xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda.

Milateriga ayaa la filayaa inay goor dhow war muhiim ah ka soo saaraan xaalada cusub ee soo korortay, sida ay warbaahinta dowladda ay sheegtay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaalada Madaxweyne Al-Bashiir, qaar ka mid ah warbaahinta Carabta ayaa sheegaya inuu xilka ka degi doono, halka warar kalena sheegayaan in xabsi guri la geliyay.

Weli ma cadda xaalada dhabta ah, waxaana xaalada dalka mid aan kala caddeyn, inkastoo ay muuqato in Milateriga la wareegay talada dalka.

Maalmihii la soo dhaafay dadweynaha ayaa ku hor banaan baxayay Xarunta Ciidamada Milateriga ee Khartoum, taasoo la sheegayay mid ay Milateriga garab kaga raadinayaan inuu xaalada soo farageliyo is bedelka dalkana horseed u noqdo, si loo soo afjaro xukunka dheeraaday ee Madaxweyne Al-Bashiir.

Kumanaan dadweyne ayaa isugu soo baxay waddooyinka, qaarkood waxay gaadiidka ka lulayeen calanka Sudan, waxaana la dareemayaa wax u muuqda is bedel ay raalli ka yihiin dadweynaha.

Tan iyo bishii December waxaa dalka Sudan ka dhacayay dibad baxyo looga soo horjeeday Madaxweynaha mudada 30-ka sano xukumayay ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.