Mourinho Oo Markii 3-aad dib Ugu Soo Laabanaya Chelsea

1753

Tababare Jose Mourinho ayaa si lama filaan ah ugu soo laaban kara Stamford Bridge si uu markii 3-aad tababare ugu noqdo kooxda chelsea.

Tababaraha Blues ee haatan Maurizio Sarri ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Serie A-da ka ciyaarta ee Juventus.

Taas ayaa la macno ah in ay chelsea wakhtiga tartan kula jirto si ay u hesho tababaraha saxda ah ee hogaamiya kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Mourinho si aad ah uga fiirsanayo in uu markii 3-aad ku soo laabto shaqada tababaranimo ee kooxda chelsea.

Tababaraha reer Portugal ayaa bishii March sheegay in uu ku rajo weyn yahay in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo marka la gaadho bisha June.

Halyeeyga kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa wali ugu cad-cad in uu tababare u noqdo kooxda chelsea xilli ciyaareedka dambe laakiin maamulka kooxda chelsea ayaa raadinaya tababare leh khibrad fiican.

Laakiin Mourinho ayaa laga yaabaa in uu ku soo laabto chelsea maadama uu si aad ah u doonayo in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo kadib markii uu bilaa shaqo ahaa tan ilaa bishii December markii laga caydhiyay shaqada Man United.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN