Mss World iyo Maslaxo oo caawa xabsiga loo taxaabay

897

Ciidanka Booliska saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa caawa xabsiga dhigay haween caan ka ah barta Tiktok oo rabshado ka waday jidadka magaalada qaarkood.

Haweenka la xiray waxaa ka mid ah Mss World, Maslaxo oo ah xaaska Yutuberka Catoosh Yare,  haweeney magaceeda lagu soo gaabiyey Maafiyo iyo kuwo kale.

Haweenkan oo xifaaltan macno daro uu ka dhexeeya ayaa waxaa maalmahan barta Tiktok ku dhexmarayey dagaal dhinaca afka ah iyo aflagaado aan waxba la isku reeban waxayna markii dambe dagaalkooda  u bedeleen mid gacan ah oo loo soo raray jidadka magaalada taasoo sababtay in Boolisku ay xabsiga dhigaan.

Dhinaca kale Taliska Ciidanka Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa gacanta ku dhigay isla caawa labo Dumar iyo darawalka Mooto Bajaaj ay la socdeen oo loo malaynayo inay soo afduubteen canug yar xili ay ku sugnaayeen Afaafka hore ee Saldhiga.

Oohinta faraha badan ee Canugaas yar ayaa dareen gooni ah galisay dadkii Goobta ka  dhawaa kuwaasoo wargliyey Booliska saldhiga Waaberi oo haatan wada baaritaan la xiriira cida dhashay ilmahaas yar.