Mucaaradka Lafta Gareen oo Dhuusamareeb tagay+SAWIRRO

139

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta gaaray xubnaha mucaaradka ah Koonfur Galbeed, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ka baxay Muqdisho, isla-markaana tegay Galmudug ay ka mid yihiin guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka, sida Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale soo hoggaamiyay Koonfur Galbeed, agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin kale oo ay ku jiraan xubno musharixiin ah.

Ujeedka wafdigan ay u tageen Dhuusamareeb ayaa ah sidii ay ula soo kulmi lahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh oo bishii aad dagaalka Shabaab ka hoggaaminaya Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ay laba qodob kala hadli doonaan madaxweynaha, kuwaas oo kala ah dagaalka Al-Shabaab iyo arinta kale ee ay aadka u daneynayaan ee ah doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

musharixiintan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh si gaar ah ugala hadli doono dhaqan-gelinta heshiiskii ay horay garwadeenka uga ahayd dowladda federaalka ee ay dhinacyada Koonfur Galbeed ku gaareen magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnahaan ay doonayaan inay taageero weydiistaan madaxweynaha, maadaama uu loolan adag kala dhexeeyo Laftagareen, si ay ugu yaaraan dowladdu wax door ah ugu yeelato doorashada kusoo foodka leh maamulka.

Xubnahan ayaa shalay Muqdisho ku qabsaday xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, waxayna ku dhawaaqeen go’aano culus oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xusid mudan in la joogo xilli lagu balamay inay bilaabato doorashada, si loo soo xulo xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Doorashada marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.