Mukhalas weyn oo la qabtay

43

Ciidanka booliiska ee SSC-Khaatumo gaar ahaan taliska qeybta gobolka Sool, ayaa gacanta ku soo dhigey shabakad tahriibisa dhallinyarada SSC-Khaatumo, kuwaa oo ka kooban xubno jooga Laascaanood iyo xubno kale oo jooga caasimadda dalka Liibiya ee Tiriboli iyo meelo kale .

Booliiska , ayaa xiray eedeysane Maxamed Jaamac Xaashi , Ina Aamino Axmed Jaamac , 25 Jir oo degan Laascaanood, waxaana ninkan la sheegay in uu ahaa mukhalas dhallinyarada reer Laascaanood u tahriibisa dalka Liibiya, iyaga oo sii marsiiya dalal Itoobiya iyo Sudan ku jirto.

Ciidanka booliiska Khaatumo , ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dabajiraan baadigoobna ugu jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dad kale oo mukhalasiin ah oo xiriir kala shaxeeyay ninkan hadda xireen.

“Eedeysanayaashan laguna kala magacaabo C/Kariim Jaamac Xaashi oo Jooga Tiriboli (Liibiya)iyo Aamina Axmed Jaamac oo ah Hooyada dhashey labadan eedeysane doorkeeduna uu yahay Khasnaji la mariyo lacagaha laga qaado dhalinyarada marka ay tageyaan iyo marka lagu qafaasho Tiriboli “ ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska Khaatumo.

Sidoo kale , taliska booliiska ayaa sheegay in ay hayaan caddeymaha lacaga ay direen shabakadan oo ay ka mid yihiin $ 4,500 oo Laascaanood mid ka mid ah dhallinyarada lagaga tahriibiyey, kuwa kalena marka la soo dhamaystiro ay soo bandhigi doonaan.

Booliiska maamulka Khaatumo , ayaa shacabka ka codsaday in ay lasoo wadaagaan xogta mukhalasiinta iyo dadka kale ee ka shaqeeya tahriibinta dhallinyarada kunool deegaannada Khaatumo.