Mukhtaar Roobow Oo Xafiiska La Wareegay

461

Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib kalsooni siinta Golaha Shacabka ee 7-dii bishaan.

Munaasibada xil-wareejinta oo ka dhacday gudaha Wasaarada ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, xilka ugu kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay.

Sidoo kale waxa ra’iisul wasaaraha xusay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.