Munich Oo PSG Ka Cirib Tirtay Champions League +SAWIRRO

225

Bayern Munich ayaa PSG ka reebtay tartanka Champion-ka , waxa ayna u gudbeen wareegga 8-da iyadoo laba gool ku garaacday PSG xilli guud ahaan isu geynta natiijada aheyd sedex gool

Sheekada qeybta hore : Bayern Munich iyo PSG ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli ciyaarta aheyd mid xakameysan

Ciyaarta si ayay jacbur u aheyd waa isu diideen in kubadda isku dhisaan mana jirrin fiursado marka laga yimaado hal fursad PSG heleen dhamaadkii qeybtii hore

PSG ayaa ku badneyd maamulka kubadda balse ma jirrin xal ay u heleen in ay daba marsiiyaan daafaca Munich kuwaasi oo dhanka kale ku guuleystay in ilaalo adag ka qabtaan Kylan

Guud ahaan ciyaarta waxaa ka muuqatay kala cabsi labada dhinac ah oo wel wel ayaa ka muuqanayay ciyaarrooyda labada koox .

Soo laabashadii , Munich dar dar ayay ku soo galeen waxaana laga diiday gool sababo la xariira Offside ka dib markii Var lagu laabtay waxa ayna aheyd daqiiqadii 53-aad
Biloowgii qeybta labaad , Munich ayaa kubadda ku badneyd waliba gaarsiineysay aagga goosha PSG kuwaasi oo ay ku adkeyd in horay u soo dhaqaajiyaan kubadda.

Munich cadaadis ayay ciyaareysay qeybta labaad waa ka wacnaayeen tii hore halka PSG dib u gurteen waxaana lagu helay gool si qurux badan loo farsameeyay waxaana daqiiqadii 61-aad dhaliyay Choupo-Moting

PSG daqiiqadii 63-aad gool xaqiiq ahaa ayuu goolhayaha Munich u diiday ka dib kubad koorno ka timid ee uu Ramos madaxeeyay .

PSG waxa ay ka sheeganayeen goaan qaadashp deg deg ah iyo isfahan laaan halka Munich dagaal ugu jireen gool labaad

Muddo dheer ka dib , Sadio Mane ayaa badal ku galay daqiiqadi 82-aad xilligaas oo loo saaray Jamal , waxa ayna Munich dhamaakdii iska difaaceen kubado halis ahaa oo saaxibada Messi ka yimid

Badaladii Munich xalka ayay xumeeyeen oo gool sedexaad ayay ka keeneen waxaan taabashadiisa ugu horeesay ku dhaliyay Gnabry daqiiqadii 90-aad

Guud ahaan PSG qeybta labaad maqane joooge ayay ahaayeen xilli Mane gool laga diiday waqtigii dheeriga , , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay Munich isaga xaadiriyeen wareegga 8-da

Dhan kale Milan ayaa iyana iska xaadirisay wareegga 8-da inkastoo bar bar dhac la galeen Totenham balse guushii kulankii hore ayaa caawisay.