Muqdisho Mas’uuliyiin Caawa Xabsi Ku Hoyanaya

1855

Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi Maxamed Cabdiqaadir Mooshin ayaa amray in lasoo xiro xubno katirsan Maamulka Degmada Waaberi.

Waxa Mas’uuliyiinta la xiray ay ahaayeen shakhsiyaadkii maanta jir dilka ugeystay Labo Saxafi oo ka shaqeeya Warbaahinta Shabelle Ee Muqdisho.

Maxamed Axmed Rooble oo ah Guddoomiyaha Waaxda October & Shabeeloow oo ah Guddoomiyaha Xaafadda Maajo ayaana Caawa ku jira Saldhiga Degmadaasi,kadib Dacwadii Maamulka Shabelle ay gudbiyeen.

Gabar Saxafiyad ah oo lagu magacaabo Safa Osman & Filim-qaade Cabdiqaadir Gacal ayaana dhibka uu gaaray balse waxaa raali gelin ugu tegay Xarunta ay ka shaqeeyaan Gudoomiyaha Degmada Waaberi C/qaadir Jaamac.