Muqdisho nin naftii haliga ah oo isku qarxiyay maqaaxi

1299

Faahfaahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu fuliyay ruux isku soo xiray walxa qarxa, kaasoo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo xarunta Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo ay ku sugnayeen dad shacab ah iyo ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen qaraxan, halka dad ku dhow 10 ay ku dhaawacmeen sida ay allbanaadir Online u sheegeen ilo wareedyo kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay sadax ruux oo laba ka mid ah ahayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo qofkii fuliyay qaraxa, waxaana jira tiro kale oo ku dhaawacantay qaraxa inkastoo aanan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ku saabsan qaraxa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.