MUQDISHO oo bandow lagu soo rogay

2065

Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw shaacisay in magaalada Muqdisho lagu soo rogayo bandow xilliga habeenkii ah, kaas oo saarnaa doona mudo 15 cisho ah.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xajaar, ayaa caawa sheegay in si dadka looga badbaadiyo khatarta cudurka Coronavirus, ay dowladdu go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah ee taariikhdu ku beegantahay 15-ka bishan Abriil, in magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00pm Fiidnimo, kuna eg 5:00am Subaxnimo.

Sidoo kale Taliyaha booliska ayaa sheegay in bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay.

Taliyaha ayaa sheeygay in wax ka bedelka lagu qiimeyn doono xaaladda faafitaanka cudurka COVID-19. Waxuuna bulshada ka codsaday in ay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo buu yiri cudurkan khatarta badan.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa faray ciidamada ammaanka in ay dadka xanuunsan ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin, sida lagu sheegay qoraalkan.

Cabsida uu abuuray cudurkan ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, kadib markii ay korortay tirada dadka uu soo ritay oo u badan kuwo aan dalka meelna uga bixin.

Illa hadda tarada la shaaciyey dadka uu ku dhacay gudaha dalka waxa ay gaarayaan 25 ruux, kuwaas oo laba u geeriyootay, labana ka bogsatay, halka inta kala lagu karaantiilay goobo gaar ah.