Muqdisho oo maanta bandow ah +SAWIRRO

1981

Waxaa soo baxaya Warar kala duwan oo la xiriira bandow la sheegay in lagu soo rogay magaalada Muqdisho, iyadoo aanay si rasmi ah u shaacin mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa maanta xiray qaar ka mida masaajidda Magaalada Muqdisho, iyadoo fulinta amarkaasna uu qalaalaase ka abuuray masaajidada qaar.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay inuu magaalada Muqdisho ka dhaqan galay Bandow lagu soo rogay, isagoo aan sheegin goorta uu amarkan soo baxay iyo cidda soo rogtay, lamana oga xilliga uu ka bilowdo ama ku eg yahay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale la sheegay inuu amarkan ka yimid, iyadoo magaalada lagu arkay ciidamo Boolis ah oo ganacsatada ku amraya inay xiraan xarumahooda, siiba Wadadda Maka Almukarama waxayna dad badan la yaabeen bandow aan la shaacin, lagana warqabin iyo ciidamo dhaqan gelinaya.