Murugtii ay Farxaddu ka danbeysay.

1917

Qoyskan Somaliyed oo ka kooban 7, Aabe Mohamed, Hooyo Aamina iyo caruurtooda ayaa isbuucaan ahaa kuwii ugu hadal heynta badnaa dalka Norway gaar ahaan caasimadda Oslo.
Waxey muddo ku noolaayeen Norway, waxeyna noloshoodu aheyd mid daggan sida qoysaska Somaliyed oo wax dhibaato ah ma qabin, kahor inta aan lagu soo wargelin in sanadkii hore ay soo gashay lacag ka badan intii loogu talo galay dadka xaqa u leh iney daganaadaan guryaha ay leedahay degmada ay ka tirsan yihiin ee Tøyen, balse ma aheyn wax aad u badan oo reer dhan loo rafaadiyo oo la amro in ey ka guuraan guriga iskoodna isku dabaraan.
Iyadoo lagu jiro xilligii ugu xumaa nolosha magaalada dhinac kasta sida cudurka Corona, Shaqo la’aan badatay, xilligii qaboobaha oo marmar gaara -10 ilaa -15 iyo waalidkaan oo qaba Diabetes iyo sidoo kale caruurta kan ugu yar oo qaba cudurka neefta taas oo ka dhigan iney halis u yihiin cudur kasta, qabow kasta iyo tan ugu daran Covid-19 oo ugaarsada dadka qaba cudurada noocaas ah.

Maxaa dhacay!

Iyagoo codsigooda u maqan yahay ah iney rafcaan ka qaateen baa waxaa dhacday in lagu soo dalbado ciidan hubeysan oo si qasab ah uga saaray gurigii, waxaa baqdin iyo argagax la geliyay caruurtii, waxaa la dayacay qoys nugul, waxaana loo sheegtay awood aysan iska caabin karin illaa ay nus saac ku xirxirtaan dharkooda oo banaanka soo istaagaan kadibna laga qaatay furihii guriga, inkastoo loo soo bandhigay in la geynayo Hostel ah meelaha inta badan la seexiyo dadka dibjirka ah iyo kuwa balwaddu soo ridatay, wey ku gacan seyreen oo Aabe Maxamed Jaamac ayaa yiri caruurteyda iyo qoyskeyga uma ogolaanayo nolol sidaa u liidata una foolxun, waxeyna toos u abbaareen xaafad ay ehelladoodu ah.

Inta ay foolxumadaas dhaceysay waxaa kusoo baxay deris aad u wanaagsan oo isugu jira Somali, Ajnabi iyo Norwegian, mid kamid ah dadkii kusoo baxday dhacdadaas ayaa ahaa Bjarte Breiteig oo deris la ahaa qoyska kana shaqeeya isla xaafadda Tøyen ayaa u sheegay TV2 Norway inuu deris la ahaa qoyskan 11 sano, waxey xaafadda u ahaayeen tusaale qurux badan mana filaneyn inaan maanta marqaati ka ahaado dhacdadii iigu xumeyd nolosheyda oo hadana lagu sameynayo deriskeyga ma aha wax aan aqbali karno, ugu danbeyntiina sheegay si kasto ay u dadaaleen looga adkaaday in qoyska laga saarin guriga iyo ineysan is dhiibi doonin oo xal kale u raadin doonaan deriska hortooda lagu dulmiyiyay.

Maxaa xigay!

Waxaa meel kasta gaaray warkii, waxaana is xilqaamay isla dadkii deriska la ahaa iyagoo kaashanaya xarun yar oo ku taal xaafadda, waxeyna u sameeyeen Donation lacag aruurin markii hore ku bilaabatay in laga saacido uun lacag dabaaji ah oo isaga bixiyaan guri ijaar ah balse marki danbe xarka goosatay oo sida sawirka 3aad idinka muuqda waxey hadda mareysaa 1 450 90kr una dhiganta qiyaasti 150 000 dollar, weliba 12 maalin kale ayey sii soconeysaa, waxaana hubaal ah iney ku iibsan doonaan guri weyn qurux badan oo iyagu iska leeyihiin alxamdulillah.
Muragada iyo xanuunkii shalay ku illoow farxadda iyo nolosha maanta, derisku waa qeyb kamid ah nolosha, dadnimaduna waa astaanta damiir iyo damqasho ee aan dheer nahay duur joogta, Allah subxaanahu watacaalaa ayaa mar walba addoomadiisa ka irsaaqa meel aysan filaneyn Alxamdulillah❤
Qoyska Somaliyedow Allaha idin siiyo nolol qurux badan, caafimaad iyo farxad waarta🙏

WD Deeyoo

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN