Musharax Xasan Kheyre oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay+SAWIRRO

1695


Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa Musharax Xasan Cali Kheyre kusoo dhaweeyay Xildhibaano katirsan Labada Aqal, Wasiiro hore, Siyaasiyiin iyo boqolaal dadweyne ah oo usoo banaan baxay soo dhaweynta Xasan Kheyre.

Musharax Xasan Cali Kheyre ayaana soo dhaweyntiisa kadib loo soo galbiyay xaruntiisa ololaha halkaas oo la filayo in uu kula hadlo Warbaahinta iyo qaar kamid ah dadkii soo dhaweeyay.

 

Soo dhaweynta maanta loo sameeyay Musharax Madaxweyne Xasan Kheyre ayaa aheyd mid aad u sareesay, waxaana shacabka magaalada Muqdisho usoo banaan baxeen sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen Musharaxan oo ah kan hada heesta taageerayaasha ugu badan.