Musharrax Cabdi Dheere oo Caabudwaaq lagu soo dhoweeyay +SAWIRRO

2189

Musharraxa Madaxweynaha Galmudug Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi-Dheere) ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Caabudwaaq oo uu safar dhulka ku gaaray.

Musharrax Cabdi Dheere oo la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa sheegay in ujeedka safarkiisu yahay dad iyo deegaan barasho, isla markaana uu u yimid Caabudwaaq si uu ugu kuur-galo xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaanka.

Waxaa uu sheegay in haddii la doorto uu Galmudug gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah.

Intaas kaddib waxa uu la kumlay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo ah Ugaaska Beesha Sade, isagoo kala hadlay xaaladda deegaanka, Nabad afkeynta iyo maamul ahaanba.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Musharrax Cabdi Dheere uu kulammo la qaato qaybaha kala duwan ee bulshada.