Musharrax xildhibaan oo shalay lagu dhaawacay Garowe oo maanta guuleestay+SAWIRRO

688

Doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow kusoo dhammaatay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland.

Doorashada dhacday ee kursiga tirsigiisu yahay kursiga HOP192 ayaa waxaa ku guuleystay oo kusoo baxay Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, waxaana la tartantay Musharax Ruwayda Maxamuud Maxamed oo isku diiwaan-gelisay tartanka.

Maxamed Faarax Nuux ayaa helay 91 Cod, halka Ruwayda Maxamuud ay iyaduna heshay hal Cod, isla markaana waxaa halaabay 2 Cod, sida ay ku dhawaaqeen Natiijada Guddiga doorashada SEIT ee dowlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaan Maxamed Faarax ayaa maalintii shalay aheyd ku dhaawacmay rasaas ay dabley hubeysan ku fureen, xili uu ku sugna Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana Maxamed uu ka dhaawacmay gacanta oo waxyeelo ka gaartay.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Faarax ee Maanta ku guuleystay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in cabashooyinka ka jira kursiga uu kusoo baxay ee HOP192 la xalin doono, isagoona tacsi u diray dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii dhacay.