Mustafe cagjar ” Sax bay ahayd in laxiro Tvga NabadTv

970

Madaxweyne Mustafe cagjar oo wax laga waydiiyay sababta loo xiray Tvga Nabad tv, ayaa waxa uu sheegay in tvgu uu ka gudbay anshixii saxaafadda, isla markaana lagu saxsanaa in la xiro.

Mafaxweynaha ayaa yiri ” Inaad tiraahdo degaannada Itoobiya, degaankeenna kaliya ayay dadku kuwada nool yihiin iyadoo taasi been tahay, inaad ma shaqaystanimada dhalinyarteena ka muuqatay aad u qiilsamayso oo aad tiraahdo qowmiyad kala noo timid, inaad tiraahdo degaannada kale laguma wada noolee, kan maxaa loogu wada noolaan, taas waxaan u arkaa inay khalad tahay waana ka halgamaynaa”. Wuxuuna xusay Madaxweyne Mustafe cagjar in dowlad degaanka Soomaalidu uu yahay degaanka u yar ee ay qowmiyadaha Itoobiya kuwada nool yihiin, marka loo eego degaannada kale ee Itoobiya.

Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo hagaagaya xilli wali albaabadu u xiran yihiin telefishinka madaxabanaan ee Nabad tv, oo ay dowladdu ku sheegtay inuu gudbiyay warbixino dadka iska horkeenaya, sidoo kalena ay xiran yihiin qayb kamida wariyayaashii telefishinkaas.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka howlgala tvyo madaxbanaan oo ay leeyihiin dad Soomaali ah, kuwaas oo xafiisyo ku leh magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida.