Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqii magaalada Muqdisho Maxamed Amiir, oo muddo 6 lix bilood ah xilkaan hayay.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale xilka guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho loogu magacaabay Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo xilkaan horey usoo qabtay.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa magacaabidda Muungaab ku salleeyay aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa, isagoo sheegay inuu horey door wanaagsan ugasoo qaatay dib u dhiska magaalada Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir.
Lama oga sababta xilka looga qaaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, hase ahaatee, waxaa aad baraha bulshada ugu faafay muuqaalka gudoomiye Amiir oo Calan ka qaadanayay wiil cuuryaan ah oo kamid ahaa dadweyne kasoo qeyb galay kulan ciyaareed lagusoo dhoweynayay qaar kamid ah xiddigo hore oo kubadda cagta ah.
Dhacdadan ayaa caro ka dhalisay baraha bulshada, iyagoo guddoomiyaha lagu eedeeyay inuu isagoo masuul dowladeed ah xadgudub iyo xushmad darro kula dhaqmay qof shacab ah oo naafo ah.
Bishii December ee sannadkii hore ayaa Amiir loo magacaabay guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, waxaana lagu beddelay Xuseen Jimcaale Maddaale.